BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
05 Nov 2021 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.
-
29 Oct 2021 - Muqdisho – Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka* waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.
-
26 Oct 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.
-
25 Oct 2021 - Qardho – Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.
-
02 Oct 2021 - Muqdisho – Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.
-
18 Sep 2021 - New York – Xubnaha Golaha Amaanka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud.
-
17 Sep 2021 - Muqdisho – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.
-
12 Sep 2021 - Muqdisho – Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagtay Soomaaliya iyadoo is-barbartaagtay baaqyada ka imaanaya haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan in si buuxda oo siman looga wada qeybgalo siyaasadda, waxayna tibaaxday taageerada ay beesha caalamka u hayso doorashooyin waqtigooda ku qabsooma, loo wada dhanyahay, si nabadgelyo ah ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo.
-
07 Sep 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.
-
25 Aug 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.