BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
26 May 2017 - WAR-SAXAAFADEED 06/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyadiisa ugu qiimaha badan ee ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.
-
02 May 2017 - Saaxiibada caalamka (Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka) waxay si dhow ula socdaan arrimaha ka soo cusboonaaday Galmudug.
-
29 Apr 2017 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula qaadatay saaxiibada beesha caalamka si loogu diyaar garoobo Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya kaas oo dhici doona 11ka bisha May 2017.
-
17 Apr 2017 - Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyay go’aanada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ku gaareen kulankii wadatashi ee labada maalmood qaatay ee ay dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho.
-
12 Apr 2017 - WAR-SAXAAFADEED 05/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada argagaxisada ee dhowaan soo kordhay ee khasaare ba’an u geystay bulshada Soomaaliyeed.
-
31 Mar 2017 - WAR-SAXAAFADEED 04/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay codka buuxa ee uu Baarlamaanka Federaalka maalintii Arbacada ku ansaxiyay golaha wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre billowgii bishan.
-
13 Mar 2017 - WAR-SAXAAFADEED 03/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday bambaanooyinka ee subaxnimadan ka dhacay laba goobood oo ku taalla magaalada Muqdisho kuwaas oo sida la sheegay ay ku dhinteen tiro dad rayid ah.
-
13 Mar 2017 - WAR-SAXAAFADEED 03/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday bambaanooyinka ee subaxnimadan ka dhacay laba goobood oo ku taalla magaalada Muqdisho kuwaas oo sida la sheegay ay ku dhinteen tiro dad rayid ah.
-
19 Feb 2017 - WAR-SAXAAFADEED 02/2017 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay goob suuq ah oo ku taalla magaalada Muqdisho kaasoo sida la sheegay ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan iyo shan qof ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
-
09 Feb 2017 - Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha ee shalay la soo gabagabeeyay waxayna hambalyo kal iyo lab ah oo ku aaddan guushiisa u dirayaan Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.