11 Dec 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan codeyn shalay ka dhacday magaalada Jowhar, caasimadda ku meelgaarka ah ee HirShabelle ee loo qabtay kursi Golaha Shacabka ee uu ku guuleystay musharax laga reebay tartanka.
11 Dec 2016 -
WAR-SAXAAFADEED 31/2016
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarki argagixiso ee saaka ka dhacay banaanka hore ee dekedda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dhibanayaasha intooda badan waxay ahaayeen dad rayid ah.
13 Nov 2016 -
WAR-SAXAAFADEED 28/2016
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Madaxweyne Cabdikarim Xuseen Guuleed ee Galmudug ayaa shalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo si ay mar kale u ballan-qaadaan xabadjoojin laga gaaro magaalada lagu muransanyahay, iyadoo wadahadaladaasi uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
07 Nov 2016 -
WAR-SAXAAFADEED 27/2016
Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsantahay burburkii dhowaan ku yimid xabadjoojintii Gaalkacyo, iyo fashilka sii socda ee maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan dhaqangelinta heshiisyada, oo ay ka midyihiin heshiiskii la saxiixay 2 Disembar 2015 iyo mid kale oo mar kale la saxiixay 1 Nofembar 2016.
03 Nov 2016 -
WAR-SAXAAFADEED 26/2016
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maanta soo dhoweeyay heshiiski xabad joojinta magaalada Gaalkacyo ee ay Abu Dhabi ku wada gaareen Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed.