Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Inta la dhammaystirayo websaydka cusub ee UNTMIS, iyo baraha bulshada xogta khuseeya hawlgalka waxa laga heli doonaa:
03 Nov 2016 -
WAR-SAXAAFADEED 26/2016
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maanta soo dhoweeyay heshiiski xabad joojinta magaalada Gaalkacyo ee ay Abu Dhabi ku wada gaareen Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed.
30 Oct 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musuqmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixinnada ku saabsan cabsi gelin soo noqnoqotay oo ay la kulmaan musharaxiinta quudarraynaya ka mid noqoshada baarlamaanka, ergada doorashada iyo saraakiisha doorashada.
16 Oct 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagusoo daro liisaska musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada kamidka ah federaalka ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyadoo laga yaabo in shakhsiyaadkaasi ay kam
10 Oct 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Itoobiya, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay garowsadeen magacaabista xubnaha u tartamaya Aqalka Sare oo 8dii iyo 9kii Oktoobar ay soo kala magacaabeen golayaasha fulinta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.