BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
28 Mar 2016 - Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Midowga Yurub (EU), Urur Goboleedka IGAD, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Sweden iyo Dowladda Talyaaniga ayaa soo dhoweeyay heshiiska ballaaran ee lagu gaaray nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dhexmartay dadyowga Jubbaland, heshiiskaas oo looga dhawaaqay xaflad lagu qabtay Kismaayo 25kii Maarso.
-
24 Mar 2016 - WAR-SAXAAFADEED 09/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyay tirada badan ee caruurta ah ee kamid ahaa dagaalyahannada al-Shabaab, kuwaa oo ay soo qabteen xoogagga amniga ee Puntland intii uu socday dagaalki dhowaan ka dhacay qaybtaas ka tirsan Soomaaliya.
-
02 Mar 2016 - Ergada Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Miino Saarista (UNMAS) ayaa maanta qalab kala duwan ugu deeqay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si looga caawiyo dhanka miino baarista iyo amniga badda iyo berrigaba, taas oo ka caawin doonta inay si wanaagsan u gutaan hawshooda, si guudna u hagaajiyaan amaanka.
-
25 Feb 2016 - WARSAXAAFADEED 07/2016 Kulanki sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee Heerka Wasiir (HLPF) ayaa shalay lagusoo gabagabeeyay Istanbul iyadoo wufuudi ka qaygelaysay ay ballan-qaad adag sameeyeen si loo xaqiijiyo in geedi-socodka doroasho ee Soomaaliya uu u dhoco sidi loo qorsheeyay bisha Agosto 2016.
-
23 Feb 2016 - Istanbul – WAR-SAXAAFADEED 06/2016 Shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayay arrimaha haweenka, nabadda iyo amniga, lana qabtay maalinti uu furmayay Kulanki sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee Heerka Wasiir (HLPF) ayaa si cad loogaga dhawaaqay xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay noqdaan hogaan ka noqdaan ajendaha siyaasadeed, amni iyo dal dhisid ee dalka.
-
23 Feb 2016 - Istanbul – WAR-SAXAAFADEED 05/2016
-
29 Jan 2016 - WAR-SAXAAFADEED 03/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga qaybgashay hanaanka Dibueegidda Caalamiga ah ee Xilliyaysan, ee la qabtay intii uu socday kalfadhiga 24aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay 22kii iyo 26kii Janaayo 2016.
-
19 Jan 2016 - Shir subaxnimadii shalay lala yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Sweden iyo Dowladda Talyaaniga ay hoosta ka xariiqeen rajadooda ku aaddan in madaxda Soomaaliyeed ay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan nooc la isku raacsanyahay oo loo maro hanaanka doorasho ee qabso
-
24 Nov 2015 - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xariga sharci darrada ah ee loo geystay Md. Jaamac Deberani, oo ah wariye wararka u soo tebiya Telefishinka Somali Channel TV ee gaarka loo leeyahay ee 9kii November lagu xiray magaalada Garoowe.
-
01 Nov 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.